Jacaylbaro Posted November 8, 2009 Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gooblka Sool lagu qabtay xaflad tacsi ah oo la sameeyey ala ha u naxariistee marxuun Korneyl Cusman Yuusuf Nuur,oo bam lagu qariyey wadada dhinaceeda ku geeriyooday.Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Garaado,Cuqaal,madaxda dawlada,iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada waxa ay dhamaan tacsi u direen qayskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuunkaasi. Xafladaas tacsida ah oo lagu qabtay Hotel Xamdi ayaa waxa odayaashu ka digeen in la qariyo dadka magaalada soo galay ee qaraxyada fulinaya. Caaqil Axmed Hoolif oo ka mid ah caaqilada magaalada ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan laga feejignaado dhib wadayaasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 8, 2009 Laascaanood(Yool)-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Nuux Ismaaciil Taani, ayaa Shalay kulan la Ciidamada Amniga Odayaasha iyo qaybaha bulshada ee Magaalada Laascaanood. Safarka wefdiga oo la xidhiidhay ka qaybgalka Tacsida Marxuunkii dhowaan ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Magaalada Laascaanood oo ahaa taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka ee Jiida Gobolka Sool. Taliyaha Ciidanka Somaliland Qaranka Md. Nuux Taani oo faah-faahinayey ujeedada socdaalkooda ee Magaalda Laascaanood, ayaa sheegay inay u yimaadeen inay Ciidanka iyo Guud ahaan-ba shacabka reer Laascaanood uga tacsiyeeyaan Geeridii ku timid alla ha-u-naxariistee Korneyl Cusman Yuusuf Nuur oo ku dhinatay qarax loo adeegsaday walxaha qarxa oo la dhigay meel wadada Baabuurtu marto la dhigay horraantii Toddobaadkan si shacbiga Gobolka ula qaybsadaan tacsida. "Waxaa muhiim ah in meel looga soo wada jeesto gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada oo aan Ciidanka oo keliya lagu halayn inay soo qabtaan dadkii falkaas ka danbeeyey, balse si wadajir ah looga wada shaqeeyo, nabad gelyadana la wada ilaashado." Ayuu yidhi Md. Taani. Waxa kale, oo iyaguna kulankaa hadalo isugu jirey dardaaran iyo guubaabo ka jeediyey Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo Odayaal ka tirsan Madaxda-dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Sool, kuwaasoo dhammaantood ka dhawaajiyey qiimaha iyo faa'iidad ay leedahay nabad gelyadu. Sidaa darteed-na uu waajibaad ka wada saran yahay dawlada iyo shacbiga reer Laascaanood intaba. Quote Share this post Link to post Share on other sites