Deeq A. Posted June 24 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa isku dhac dhex-maray ciidamada ammaanka iyo qaar kamid ah ardayda galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, oo ka dhacay afaafka Jaamacadda Ummadda, qaybta Gaheyr. Isku dhaca ayaa yimid, kadib marlii ardayda oo kasoo dib dhacay waqtiga imtixaanka laga celiyay inay galaan fasalka, waxayna markaasi is qabteen ciidanka ammaanka. Intaas kadib waxaa goobta ka bilowday fowdo iyo dibad-bax ay sameeyeen ardayda oo aad u badnayd, waxaana hakad galay isku socodka waddada laamiga ah. Mid kamid ah ardayda oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo cabashadooda, wuxuuna sheegay in culays ka jira wadooyinka ay usoo daaheen, kadibna loo diiday imtixaanka. “Saaka halkan dhibaato ayaa ka dhacday oo weliba dhanka ardayda ah boqolaal arday ah ayaa laga celiyay imtixaanka, cilado jiro aawgeed waxay dib uga soo dhaceen waqtiga” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan la xalliyay cabashadooda, ayna galeen fasalka, kadib markii ay goobta tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya. “Magaalada waa laga dareemay oo ardayda waxa ay sameeyeen waddooyinka ayay xirteen, rabshado ayay sameeyeen taayaro ayay gubeen. Hadda waa la xalliyay waa xaroodeen” ayuu mar kale yiri mid kamid ardayda oo la hadlay warbaahinta. Dhinaca kale hooyo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in waddooyinka oo xiran, kadib roob ka da’ay ardayda laga celiyo imtixaankooda. “Saaka meeshaan waxaa ka dhacay wax aan la filaneyn, waalidna uusan filaneynin shalay oo dhan arday uu roob ku da’aayay in saaka albaabka laga xirto waa wax aan la qaadan karin oo laga fiican yahay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka. Waxaa kale oo ay tiri “Ardaydii marka laga xirtayne waxay sameeyeen banaanbax, kaas oo gaystay khasaare oo baabuur ayaa la jajabiyay ilaahey mahaddiisa ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dowladda ayaa meesha soo gaareen, haddana waa la xaliyay”. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada iyo saraakiisha booliska oo ku aadan dibadbaxa ay dhigeen ardaydaasi. The post Daawo: Arday careysan oo xirtay waddo ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites