Sign in to follow this  
Deeq A.

Isxaaq Sheekh oo 14 sano kadib isku soo dhiibay dowladda iyo sababta ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Isxaaq.jpg?fit=860%2C645&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Sheekh Cali Cabdullaahi oo tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ninkan oo muddo 14 sano kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa hadda gacanta ku haya taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo uu isku soo dhiibay.

Isxaaq Sheekh ayaa dagaalo badan kala qeyb qaatay kooxda, isaggoo muddo dheer kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaaleysata gobolada Baay iyo Bakool, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u adkeysan waayey xaaladda adag ee soo wajahday kooxda iyo sidoo kale gulufka ka dhanka ah, ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Isxaaq Sheekh Cali ayaa sidoo kale wuxuu saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda, ayna ka faa’iideystaan fursada cafis ee loo fidiyay xubnaha ka barbar dagaalamaya kooxda.

Isa-soo dhiibista Isxaaq oo muddo dheer kamid ahaa kooxda ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibayay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

The post Isxaaq Sheekh oo 14 sano kadib isku soo dhiibay dowladda iyo sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this