Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga KULMIYE oo culays wayni ka haysto kasbashada taageerayaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga KULMIYE oo culays wayni ka haysto kasbashada taageerayaasha ayaa maanta shaqaalihii dowladda iyo taagerayaal Safaari ah la tagay Balligubadle.

Arrinta foolxumada wayn ah ee ay sameeyeen dadkuna aad ula yaabeen waxa weeye inay soo kalifeen oday wayn oo ah Gudoomiyeha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gobolka Hawd. Sh. Cabdillaahi Maxamuud Aw Cabdi!

Xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland Xeer Lr.24/2003 Qodobkiisa 28aad ayaa si cad u sheegaya Dhowrsanaanta Sharafta Garsooraha/Xeer Ilaaliyaha Garsoorka waxa ka xaaraan ah inay siyaasada ku milmaan. Waxa ay dhex u yihiin dhamaan xisbiyada iyo ururada siyaasada, xisbi gaar ah kuma biiri karaan kamana dhex muuqan karaan. Si waafaqsan Dastuurka JSL iyo xeerk nidaamka Garsoorka waxa reeban inay xisbi/ urur ku biiraan, u ololeeyaan ama astaantiisa qaataan.

Talaabada uu ku kacay guddoomiyaha maxkamada gobol/degmo Baligubadle waxa ay wax u dhimaysaa kalsoonida lagu qabo garsoorka.

Guddoomiyaha Maxkmada Sare waxa laga filayaa isaga oo dhawraya haybada iyo sharafta garsoorka inuu foolxumadaas talaabo ku haboon ka qaado, hadii kale waxa muuqanaysa in uu raali kaga yahay! Very Shocked!.

Afhayeenka garabka dhallinyarada heer Qaran Cabdiraxmaan Ismaaciil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this