Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubaysan oo askar boolis ah iyo dad rayid ah ku dilay dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
sochi-russia-mar-8-2014-260nw-183715946.

In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.

Bayaan aroornimadi hore ee saaka kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi, iyo sidoo kale bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska.

Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarki Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso. Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah.

Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda.

PUNTLAND POST

The post Dabley hubaysan oo askar boolis ah iyo dad rayid ah ku dilay dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this