XOG-ogaal Posted April 20, 2007 Allah u naxariisto Ninka Wuxuu ahaa nin dowlada kusheega ushaqeenayey oo sidaasi darteed loo raadsaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted April 20, 2007 Allah u Naxaristo, eheladiisa samir iyo iman Allah ka siiyo....amiin! Quote Share this post Link to post Share on other sites
XOG-ogaal Posted April 20, 2007 Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 20/04/07 Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ahaa kuxigeenka Duqa magaalada Muqdisho ee arrimaha nabadgalyada ayaa dhaawac dartiis ugu geeriyooday dalka Kenya Magaalo madaxda Nairobi, isagoo shalay lugtiisa ku tagay Cisbitaal ku yaala dalkaasi. Dhaawaca soo gaaray Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa ahaa mid fudud oo jab ahaa isagoo kasoo baxay dhaqtarkii la geeyey, shalay ayaa la sheegay inuu dhaqtarkiisa ku laabtay si looga saaro biro ku jiray lugtiisa, balse waxay wararku sheegayaan in maanta xiligii salaada Jimcaha laga qabtay Caloosha oo uu ku sheegay inay calooshu fadhido dadkii la joogay ayuu u diray in Caano geel la siiyo si caloosha usocoto, markii loo keenay caanahii oo dadkii ay kala aadeen Salaada Jimcaha oo ay dib ugu soo laabteen ayaa la arkay isagoo aad u xanuunsanaya. Dadkii la joogay ayaa ula cararay Cisbitaalka balse ma aysan usuura galin in ay geeyaan isagoo naf ku jirto Marxuum Shaaweeye wuxuuna ku qurbaxay Ilinka laga galo Cisbitaalka, waxaana wararka aynu ka helayno ilo xog ogaal ah ay ii xaqiijiyeen in maalinta beri ah loo soo duulin doono magaalada Muqdisho laguna aasi doono. Marxuum Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa geeridii ku timi waxa tacsi u diraya dhamaan Madaxda Dowlada federaalka kmg iyo Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cade Gaabow) waxayna u rajeeyeen inuu janadii fardoowso Allah ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Amiin Inaa Lillaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun. Quote Share this post Link to post Share on other sites