Deeq A. Posted June 22 Damaca Itoobiya iyo damanida Soomalida qaybtii 2’aad qaybtan waxan kaga faaloonayaa taariikhda dhow ee damaca itoobiya ee badda cas. waxa itoobiyaanku ku hadleen ama ka aaminsanyihiin helitaanka badda cas. waxan jecelahay akhristuhu inuu aad u rogrogo ama u dhuuxo hadalka madaxda, siyaasiinta iyo aqoonyahanka itoobiyaanku arinka ka yidhaahdeen. adunka hadalka ka soo yeedha dadka aan kor ku xusay noocooda lama dhaylsado. hadaklkuna sidiisaba waa waxa qofka waxa uurkiisa ku jira lagu qiimeeyo. waxan ku bilaabayaa hadalkii laga yidhi fadhigii ugu horeeyay ee waligeed itoobiya yeelato eek u saabsan badda case, siday uga hadleen iyo cidda ka hadashay. fadhigaasi wuxu dhaca 21 September 2023, wuxuuna ka dhacay sharton hotel addis ababa, kulanka waxa loogu magac daray (“red sea security dynamics, the need for dialogue and cooperation at a time of geopolitical entanglements”) oo la mid ah “dhaqdhaqaaqa aminga bada cas, iyo baahida loo baqabo wada hadal iyo iskaashi xili arimaha joqoraafisiyaasadeed ay cakiranyihiin”. intaanan gelin cida ka hadashay iyo waxay ka yidhaahdeen. hadaan is yara dul taago agenda shirka laba suaalood ayyaan akhristaha u dhaafayaa inuu is waydiiyo. maxay itoobiya ka qaban kartaa aminga badda cas maadaama anay dhulkeeda ku oolin? waase maxay arimaha joqoraafi siyaasadeed ee cakiran ee shirku tilmaamayaa ee xiligan ka jira geeka afrika? kulankan waxa so qaban qaabiyay “Institute of Foreign Affairs (IFA) and Federal Défense War College”. cida soo qaban qaabisay iyo cida ka hadashay waxay kutusaysaa miisanka kulanka iyo ahmiyada uu u leeyahay dadka isugu yimi fahdiga. labad waxood ee soo qabanqaabiyay maaha waax arimaha debeda ah iyo waax diifaaca ah waa labada goobood ee lagu daraaseeyo siyaasada debeda iyo siyaadada dagaalka iyo diifaca markaa dadka meesha isugu yimi waa AQOONTII. waxa furay hadalka sareeye guuto Alemeshet Degefe, oo ah la taliyaha guud ee ciidanka difaaca itoobiya. waxa ku xigay Mesafint Tefera, ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee xarunta daraasadaha siyada arimaha debeda. hadaan soo gaabiyo wixii lagaga hadlay fadhigaa wuxu ahaa iskaashi iyo wadahadal lala yeesho wadamada ku teedsan badda cas. si laysga kaashada budhcad badeeda, hubka sharci darada ah iyo tahriibta dadka. shirkani wuxu u meel dayay ama sahan u ahaa saldhig ay helaan cidamada badda itoobiya waxaanu ahaa “MASHQAC” lagu eegayay ka fal celinta dawladaha ay khusayso. cidise kamay hadlin. waxa ku xigay hadalkii raysal-wasaare Aby Ahmed ee 13 October2023 uu ka horjeediyay golaha baarlamanka wadankiisa. Aby qudbadiisu aad ayyay u dheerayd waxaanay isgu jirtay hanjabaad, maslaxaad, awwood sheegasho iyo ina ay xaq u leeyihiin inay helaan bad’. waxan jecelahay inaan si gaara isu dul taago waxyaabaha ka guuxayay masxkaxda madaxda itoobiyaanka ah. Abi wuxu inshaaray in ay muhiim tahay in somalia, ethiopia, djibouti, eritrea ay noqdaan hal wadan, xataa anay noqon “federal” ama “confederation” lakiin ay noqdaan hal wadan. Aby wuxu ku celceliyay awwooda ciidan ee wadankiisa iyo tiradad dadkiisa. qudbadaa Aby waxay dariiq u furtay ka hadalka iyo iyo sii xoojinta doonista badda cas. 1 January 2024, waxa dhacay is-af-garadkii Muuse iyo Aby. maxaa ku xigay is afgaradkii muuse iyo aby? 29 February 2024, xarunta daraasaadka arima siyaasada debeda waxay soo bandhigtay daabacda buug yar oo ka kooban 150 page. runtii anigu buuga maan akhriyin, internetkana waan ka waayay laakiin waxan soo qaadan faalo gaaban oo ay ka qortay saxaafada afka ingriisiga ku hadasha ee ethiopia. gaar ahaan websiteka la yidhaa (“Thereporterethiopia.com”) oo si mugleh u tilmaamay waxa ku jira buuga. buuga magacisu waa “the grand strategy of two waters” oo looga jeedo ahmiyada wayn ama xeelada wayn ee Itoobiya ka leedahay labada biyood waa biyaha wabiga iyo kuwa badda case. xafladii soo bandhigista bug, Muhammad Hassan, oo ah madaxa fulinta warbaahinta walta media and communication, waxa uu tilmaamay in buugaasi yahay documenti siyaasadeed oo ka turjumaya mawqifka itoobiya ka taagantahay badda cas iyo biyaha nilka. sidoo kale Afar Bedru, oo ah agaasimaha guud ee machadka daraasadad siyaasada arrimaha dibadda, ayaa bandhigaa ku sheegay in“the grand strategy of two waters” buugaa siyaadada ku duugan marka la dabaqo ay itoobiya ka awdi doonto daldaloolo badan. buugu sida ay saxaafadu tilmaantay waxa uu ka kooban yahay wacyi gelin dadwayne iyo carinta maanka aqoonyahanka wadankaa. buugan ama documentkan oo ay diyaariyeen saddex qolo, (academicians, diplomats, and political analysts) wuxu qeexayaa in dhulka somalida illaa nebi ciise hortii ay xabashidu maamuli jiraty ama lahayd many keenin wax tixraac ah oo arintaa cadaynaya. waxyaabo badan ayaa buuga ku jira waxanse ka soo qaadan dhawr qodob. 1) buugu waxa laga fahmayaa in Ethiopia si dhab ah u didan tahay madax banaanida wadanka somaliya guud ahaan. 2) buugu wuxu tilmaamayaa in Ethiopia go’aansaty inay samaysato ciidan badeed oo xoog wayn. 3) waxay Ethiopianku faaleeyeen inanay shuurucda baduhu leeyihiin ee aduunku ku kala socda maslaxad ethiopia ku jirin ama ka talinahayn. intaa markay hoosta ka xariiqeen docyumentigani wuxu hadana faaleeyay sidii bad lagu helilahaa. lix qodob ayay kaga hadleen laakiin laba ayyaa aad u walaac badan. waxay tusaale uso qaadanayaan isqabsigii Bolivia iyo Chili ee badda iyadoo waliba Bolivia lahayd oo xoog lagaga qaaday hadana waxa loo xukumay Chili. waxay yidhaahdeen taasi ina anficimayso oo hadynu dacwad ka gudbino waxa loo xukumi doonaa soomaliya. hadaba hadii aanay tani suuragal ahayn sharcigii baddaha aduunkuna aanu maslaxada Ethiopiopia ka talinahayn maxaa talo ah? waxa la gu daabacay buuga labadn qodob ee soo socda. 1) maadama aduunku is bedelayo, waa in Ethiopia strategi ahaan u isticimaashaa nidaamka Ruushku u isticimaalay Ukrain. taasoo ruushku intii muhiimka u ahayd uu xoog ku qabsaday Ethiopiyana ay sidaasoo kale yeeli karto waxanay arintaasi ka turjubaysaa qudbadi Abi wee 23 octber 2223 ee uu yidhi 120 milion hadii waxay cunnaan waayan wixii u dhaw ayay cuni 2) talabaad ee taa kasii cabsida badani wuxu documentigu faaladaku daray in la qaato strategiyada yuhuudu ku isticimaashay Golan Heights ee ah xoog ku qabso hana ka kicin. sidaa hadii Etobiya samayso aakhirka wuxuunbay isu bedeli in meelaha iyo shirarka lagag hadlo. maqaalkii lagu dababcay reporter waxa uu ku gabagabaynayaa in documentka lagu yidhi; hadii horumarka Ethiopia laga talinayo waa inay Ethiopia khasab ku heshaa bad. ninkii ethiopia badda siinayow maanka siyaasiiyinta ethiopianka ah taasaa ku jirta adiga taada maxaa ku jira? qaybtii saddexaad la soco dhawaan hadii eebe idmo Cabdillaahi Xaaji Jaamac Siciid faraqurux36@googlemail.com Dhamaan maqaaladku soo baxa shabakadani qarannews.com ma aha kuwo ka turjumaaya ama ka socda shabakadani ee waa fikir kunkooban qoraha maqaalkani kor ku xusan Qaran News Share this post Link to post Share on other sites