Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Xasan Sheekh xariga uu qoorta isaga xiray, inta uusan isku marjin, yaa ka furaya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jimco, Juun, 21, 2024 (HOL) - 24 Juun 1812 ayuu Napoleon Bonaparte kala gudbay xuduuda wabiga Neman, ciidankiisa Grande Armée, si’uu usoo qabsado Ruushka oo ballamo uga baxay, uguna soo dhigo cashar Czar Alexander 1, boqorkii Ruushka. Qaar kamida wasiiradiisi ayaa udigay oo kuyiri Ruushku waa dal ballaaran mana wada qabsan karno, balse Napoleon oo ahaa nooca insaanka u sameysan inuu mar walba isla saxsan yahay, wuxuu yiri guushu waaba ii muuqataa, Ruushna waa dad aan laheyn disibiliin. Wuxuu doortay wakhtiga xagaaga si’uu caws ugu helo 150 kun faras ee ciidanku wattay, wuxuuna diyaarsaday qorshe uu ku dagaal gelinayo 450 kun oo ciidan ah iyo 150 kun oo kashaqeysa sahayda, wadartu waxay aheyd 650 kun ciidankii ugu ballaarnaa ee uu Napoleon dagaal geliyo dagaaladiisi loo yaqaanay Napoleonic wars.

Source: Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this