Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Xadgudubka Lagu Sameeyay Laba Xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ugu xuntahay laba xildhibaan oo ka mid ah Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu yiri war qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay.

Bayaan ayaa sidoo kale lagu yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen”

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba lagu hadal-hayay laba Mudane oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in goob ay magaalada Nairobi kaga sugnaayeen ay ka kaxaysteen sirdoonka Dalka Kenya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this