Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo ay sanadkan u fariisanayaan ku dhowaad 40 kun oo arday, kuwaas oo kala joogaa caasimadda iyo gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay habka ay u socata howsha imtixaanka ee ay waddo Wasaaradda Waxbarashadu, wuxuuna ardayda kula dardaarmay ardayda inay dadaalaan oo ay imtixaanka si feecan uga shaqeeyaan, ayagoo faray howl-wadeenada iyo kormeerayaasha Wasaaradda inay adkeeyaan masuuliyadda adag ee ilaalinta imtixaanka.

Sidoo laamaha nabad-galyada ayuu faray inay xoojiyaan ammaanka iyo bedqabka ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka ka shaqaynaya oo ay ku dadaalaan inay howshaasi ay si nabdoon ku dhammaato, loona fududeeyo ardaydu inay imtixaanka si dhib yar ku galaan.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ayaa saaka si rasmi ah uga billaabmaya Muqdisho, koofur galbeed, Jubbland, Hirshabelle, Galmudug, iyo Khaatumo, ayadoo dhanka Soomaaliland-na in ka badan 37,000 kun oo arday ay isla maanta u fariisanayaan imtixaanka dugsiyada dhexe iyo sare.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this