Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718982653547.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Safiirku uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

Halkaan ka eeg Sawirada ay baahisay Villa Somalia

FB_IMG_1718982675038.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1718982666802.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1718982671297.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1718982657453.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this