Sign in to follow this  
Deeq A.

68 tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay jasiiradda Canary ee badda Atlaantigga

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-c6cf-08dc686f33a5_w40

Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga.

Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis.

Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta.

Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira.

PUNTLAND POST

The post 68 tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay jasiiradda Canary ee badda Atlaantigga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this