Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
448792443_955935483239725_89953874786353

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Richard H. Riley.

Wasiir Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Danjire Riley oo dabayaaqaddii March uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, ayaa waxa uu beddelay Larry André Jr. oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano.

Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto.

Richard Riley waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayey wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Waxa uuna hayay markii la magacaabayay xilka la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano.

Mareykanka ayaa tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.

448792499_955935553239718_49888979587742
448792443_955935483239725_89953874786353
448796176_955935449906395_24271688739712
448794136_955935463239727_44328795140357
448791242_955935533239720_45626790081392
448868308_955935516573055_45168913586637
448790741_955935589906381_60536852190824

The post Sawirro: Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this