Sign in to follow this  
Deeq A.

Ceebtiis ma aha ee waa caadadiis Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

π˜Ύπ™€π™€π˜½π™π™„π™„π™Žπ‘¨ π™ˆπ˜Όπ˜Όπ™ƒπ˜Όπ™‰ 𝙀𝙀 π™’π˜Όπ˜Ό π˜Ύπ˜Όπ˜Όπ˜Ώπ˜Όπ˜Ώπ™„π™„π™Ž

Waxaan goor dhaweyd daawaday khudbadii Walaasheen Wasiir Fawsiyo Yuusuf Xaaji.

𝙆𝙀𝙀𝙬: Waligay garnaqsi ka culus oo ka degan maanan arag.

𝙇𝙖𝙗𝙀: Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis.

π™Žπ™–π™™π™™π™šπ™­: Ahlul Qubuur qof u diir nixi waayey oo soo faagay walluusan u danqaneynin Inanta Halgamaa Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xaaska Jeneraal Aftooje.

π˜Όπ™›π™–π™§: Khaladka ugu weyn ee ay Fawsiyo nafteeda ka gashay waa ineysan Xasan Sheekh fahamsiinin fursadaha dhaqaale iyo qandaraas oo ay usoo dhicin karto hadduu kursigaas la raadiyo. Haday taas fahamsiin lahayd Ciil walaal dhag jalaq uma siiyeen. Macal Asaf

– Fahad Yaasiin

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this