Sign in to follow this  
Dhuujiye

Ahmed Oul-Abdullah: Soomaaliya waxa ay si tartiib ah uga baxaysaa dawlad fashilantey

Recommended Posts

Dhuujiye   

Ergayga Gaarka ah: Soomaaliya waxay si tartiib-tartiib ah uga guureysa xaladii aheyd dawlad fashilaney, waxayna u sii guureysa hab ah dawlad jilacsan

 

Nayroobi, 15 Marso 2010 – Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaaliya Ahmedou-Ould Abdullah ayaa maantay ku amaaney Dawlada Ku-meel gaarka ah iyo Ururka Ahlu Sunnah Wal Jameeca heshiiska ay sida rasmiga ah ugu saxixeen Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

 

Heshiisku wuxuu labada dhinac ku waajibinaya, sida uu qabo heshiiki Jabuuti, inay si buuxda iska kaashadaan arrimmaha nabadeenta iyo dib-uheshiisiinta dalka.

 

“Waxaan ku hanbalyeynayaa saxiixayaasha heshiiska ay gaareen, kaas oo waafaqsan maslaxada dadka, iyo qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale heshiisku wuxuu waafaqsan sharafta Ummadda iyo nabadeenynta Gobalka. Heshiisku waa guul ay gaareen labada dhinac, wuxuuna cadeynayaa in arrimmaha Soomaaliya isbedeli karaan hadna ay isbedelayaan ” ayuu yiri Mudane Ould-Abdullah.

 

 

 

Heshiisku waxaa la gaaray ayada oo la raacaayo Habkii Nabadayntii Jabuuti, wuxunna daba-jooga baaqii ay Nayrobi kuwada saxiixeen Dawladda iyo Ahlu Sunnah Wal Jameeca 21 Junn, 2009 anyna garwadeen ka aheed Qaramadda Midoobay.

 

“Waxaan ku celinayaa hadalkii aan horey u iri oo aan aad u rumeysanahay kaas oo ah in Soomaaliya ay hada ka guureyso habkii ahaa dawlad fashilantay una guureyso dawlad jilacsan. Waxaan ku qanac sanahay in ficilkaani ka danbeyn doono isu-soo dhawasho farabadan oo dhowaan ka dhexdhico ummadda Soomaaliyada. Kala qoqobiddi horey looga dhex sameeyey habkii lagu nabadeyn lahaa ummada Soomaaliyeed ayaa hadda si tartiib tartiib ah loo burburinayaa”.

 

“Waxaan jecelahay in aan ka mahadceliyo dowrka muhiimka ahaa ee ay ka qaateen arrintan Ururka Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Norway, iyo Dawlada Mareykanka. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaya wadamada xubnaha ka ah Urur Gobaleedka IGAD, gaar ahaan shirgudoonka Etoobiya sida ay uga go’aneed iyo dadaalka ay ka geysteen meel-marinta heshiiskaan”.

 

“Aniga oo u mahad celinayaa dhamman dhinacyada iyo qeybaha gacanta ka geeystay heshiiskan, ayaa haddana waxaan ugu baaqaya dhammann saaxibadeyda iyo walaalaheyga Soomaaliyeed in ay hirgeliyaan xaqiiqada soo muuqaneysa, ee ah dib-u dhalashada dawladnimadda Soomaaliyeed”.

 

Axmed Ould-Abdullah

 

Tags: Ahmed Ould-Abdallah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this