Deeq A. Posted June 20, 2024 Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis. Axmed Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay Baardheere, isaga oo xilal kii ka qaaday mas’uuliyiintii hore ee degmadaasi. Aadan Muxumed Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Baardheere, halka ku xigeenna loo magacaabay Mudane Saleebaan Cabdi Badal, sida lagu sheegay wareegtada. “Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay” ayaa lagu yiri wareegtada soo kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe. Hoose ka akhriso:- MADAXWEYNAHA JUBALAND OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE. UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE. Tix-raac: XM/DGJS/066/2024 Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72 aad, Farqada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida Golaha Fulinta. Markuu latashaday Madaxweyne Ku-xigeenada Dowladda Jubaland. Wuxuu u magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed Gudoomiyaha Degmada Baardheere. Waxaa kale oo Madaxweynahu u Magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere. Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay. DHAMMAAAAD.The post Axmed Madoobe oo maanta qaaday tallaabo cusub kadib… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites