Deeq A. Posted June 20 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahimo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Axmed Abshir Geedi oo ah nin dhalinyaro ah oo u ololeeya arrimaha qoyska iyo waxbarashada. Axmed ayaa waxaa la dhaawacay isaga oo ku sugnaa gudaha Beerta Banaadir, waxaana ku dhacday xabad aan la garaneyn halka ay ka timid. Dhaawaca Axmed Abshir Geedi ayaa ah mid fudud, waxayna xabadda uga dhacday gacanta midig, sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay. “Xalay 7:00 fiidno aniga oo joogo Beerta Banaadir, isla markaana dhex socdo ayaa qadartan la kulmay waxaan ka war helay gacanta midigta ah oo ay xabad qabsatay oo aad u dhiig baxeyso jiho ay ka timid ma garan karo” ayuu yiri Axmed Abshir Geedi oo la hadlay Telefishinka Shabelle. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad, isla markaana lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. “Isla markii waxaa la’iila cararay isbitaalka, haddana xaaladdeyda caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay” ayuu sii raaciyay Axmed Abshir Geedi. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in arrintiisa ay la wareegeen laamaha amniga, ayna wadaan baaritaano, si loo ogaado cidda la dambeysay falka lagu dhaawacay. “Qolada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa howsha ku jiro aniga ma kala garan karo sida ay wax ahaayeen, aniga oo dhex socdo Beerta ayay xabaddu i haleeshay” ayuu mar kale yiri. Axmed Abshir Geedi ayaa si wayn looga yaqaanaa baraha bulshada, wuxuuna ku caan baxay arrimo qoyska, waana mid kamid ah aas aasayaasha xarunta qoyska ee Guryosamo.The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhaawaca Axmed Abshir Geedi appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites