Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Xisbullah oo ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus

Recommended Posts

Deeq A.   
2429a724-e1e7-11ee-8b76-00163e02c055.web

Xoghayaha guud ee urur Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus oo uu ku eedeyay inay Israa’iil u oggalaatay saldhigyo militari iyo garoommo diyaaradeed , si ay u weerarto goobaha Xisbullah ee gudaha Lubnaan.

waxaa kalo uu sheegay isagoo tixraacayay muuqaalka ay soo bandhigeen ee saldhigyada iyo xarumaha militariga Israa’iil inuu ka mid yahay qayb yar oo ay ka soo bandhigeen xog badan oo ay ka hayaan awoodda Israa’iil , isagoo intaa ku daray inay u diyaarsanyihiin dagaal dheer oo ay la galaan Israa’iil iyo xulafadeeda.

Hanjabada Xisbullah ayaa markiiba laga dareemay gudaha Qubrus; hoteellada ayaa la joojiyay dhammaan dadkii sii qabsaday goobaha la isugu yimaado iyo xeebaha ayaa si la mid ah dadkii tagi jiray ay maanta hoos u dhaceen, iyadoo Qubrus ay joojisay fiisooyinkii ay bixin jirtay safaaradda ay ku leeyihiin Beirut.

Dhinaca kale Afhayeenka dowladda Qubrus, Konstantinos Letymbiotis ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay, wuxuu cabasho ka muujiyay hanjabaada Xisbullah, isagoo sheegay ina ysan Qubrus wax lug ah ku lahayn colaadda gobolka, isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada dhulkooda in laga weerarro Xisbullah.

“Cyprus kuma jirto, kamana qayb qaadan doonto dagaal kasta…. xiriirka Jamhuuriyadda Qubrus la leedahay Lubnaan waa mid aad u wanaagsan dhammaan wada-xaajoodyadu waxay ku dhici doonaan heer diblomaasiyadeed. Ma jiro waddan loo ogolaan doono in uu hawlgalo milatari ka sameeyo Qubrus” ayuu yiri Konstantinos Letymbiotis.

PUNTLAND POST


The post Ururka Xisbullah oo ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this