Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Filibiin oo Dhiggeeda Shiinaha Ku Eedeysay Burcad Badeednimo iyo Qalqalgelin

Recommended Posts

Deeq A.   

Filibiin ayaa ku eedaysay Ilaalada Xeebaha Shiinaha inay u dhaqmaan sidii burcad-badeed, iyadoo sheegtay in ciidan ku hubaysan mindiyo iyo warmo ay qalqal geliyeen maraakiibtooda iska horimaadkii ugu dambeeyay ee badda lagu muransan yahay ee Koonfurta Shiinaha.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida General Romeo Brawner ayaa sheegay in falkani uu dhacay 17-kii Juunyo, iyadoo askarta Filibiin ay isku dayayeen in ay dib u soo celiyaan badmaaxiin ku sugan badda Sierra Madre, oo Manila ay maamulaysay tan iyo sanadkii 1999-kii.

“Ilaalada Xeebaha Shiinaha waxay ciidankeena kula dagaalameen gacmo qaawan,” ayuu ku Taliyaha Ciidanka Filibiin ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Wuxuu intaa ku daray”Annaga ayaga ayaa naga tiro badnaa, hubkooduna wuxuu ahaa lama filaan, balse ciidankeenu waxay ku dagaalameen wax kasta oo ay haystaan.”

Filibiin ayaa sheegay in mid ka mid ah badmaaxayaashooda uu si xun ugu dhaawacmay, doomahana ay waxyeelo soo gaartay.

Taliyaha ciidanka ayaa tilmaamay in ilaalada xeebaha shiinuhu ay u dhaqmeen sidii burcad badeed, isagoo tibaaxay in cidda keliya ee burburinta maraakiibta, dhibaataynta badmaaxyada, iyo waxyeelaynta qalabkoodu ay tahay burcad badeed.

Soohdin biyeedkan lagu muransanyahay oo la yiraahdo badda koofurta shiina ayaa waxaa isku haysta dalalka shiinaha, taywaan, Filibiin, Maleesiya, Vietnam iyo Bru

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this