Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Israel oo Quus Ka Taagan Dagaalka Qaza iyo Khilaaf Xoogga oo Ka Dhextaagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa daaha ka qaaday khilaafka sii ballaaranaya ee u dhaxeeya hoggaanka siyaasadda iyo ciidamada, isagoo su’aal galiyay hadafka dagaalka lagu hoobtay ee marinka Qasa oo uu sheegay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu yahay burburinta Xamaas.

Ka dib sagaal bilood oo dagaal ah oo in ka badan 37,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay magaca ciribtirka kooxda hubaysan ee Maxaas, Rear Admiral Daniel Hagari ayaa u sheegay TV-ga Channel 13 ee Israa’iil in hawshu ay ahayd mid aan macquul ahayn oo si fudud “khalad”.

“Xamas fikradeedu Waxay ku qotontaa quluubta dadka, qof kasta oo u malaynaya inaan baabi’in karno Xamaas waa khalad.” ayuu yiri janeraal Hagari.


Hadalka Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa muujinaya in ciidanku ay ka niyad jabeen dagaalka muddada dheer ka socda marinka Qasa, islamarkaana uu saameyn ku yeeshay khilaafka hoggaamiyaasha siyaasadda.

Dhowaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu kala diray xukuumaddiisii dagaalka, sidoo kalena uu ka horyimid go’aan ay ku dhawaaqeen militarigu oo ku saabsanaa dagaalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this