Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah oo fariin adag u dirtay Israa’iil iyo Jasiiradda Qubrus

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha ururka Xisbullah ee Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin duulaan kasta oo uga yimaada Israel, isagoo sidoo kale digniin u diray dowlada Jasiiradda Qubrus (Cyprus) oo uu sheegay inay gacan siinayaan Israa’iiliyiinta.

Digniinta kasoo baxday hogaamiyaha Xisbullah ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii ururkaasi uu soo bandhigay Muuqaal 10 daqiiqo ah oo ay diyaaradahooda sirdoonka ee Drone-ka ay kasoo qaadeen saldhigyada militariga Israel iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaal gudaha magaalada xeebta saaran Xayfah, taasi oo muujineysa in difaaca cirka Israel uusan awood u lahayn inuu xakameeyo dhaq dhaqaaqa diyaaradaha dronka ee Xisbullah.

Nasrallah ayaa sheegay in hadii Israel kusoo duusho Lubnaan ay bilaabi doonaan dagaal aan wax xad ah lahayn isagoo sheegay inay heegan ugu jiraan ciidamo ka badan 100 kun oo askari, wuxuu intaasi ku daray in ay heystaan hub ku filan oo ay qaarkood gacantooda ku sameysteen.

Wuxuu hogaamiyaha Xisbullah ku eedeeyey jasiirada Qubrus inay saldhigyadooda cirka iyo badda ay u fasaxeen militariga Israel, taasi oo ka dhigan in maamulka Qubrus uu qeyb ka noqon doono dagaalka ayna jawaab ka bixin doonaan hadii uu bilowdo dagaalkan laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Israel iyo Xisbullah.

Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo bishii Oktoober ee sanadkii hore is dhaafsanayey duqeynmo ay ku dhinteen in ka badan 400 qof, xisbullah ayaa sheegtay inay wadi doonto duqeymaha Israel inta uu socdo duulaanka iyo xasuuqa ay ku wado Gaza.

Maamulka Israel ayaa shalay shaaca ka qaaday inay hada qorsheenayaan duulaan ay ku qaadaan dalka Lubnaan, arrintaasi oo soo dadajisay jawaabta kasoo baxday Xisbullah.

Xiisadan sii xoogeysaneysa ayaa kusoo beegantay xili Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Lubnaan uu safaro ku tagay Lubnaan iyo Israel si loo qaboojiyo xiisada, safarkaasi oo u muuqda mid lagu fashilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this