Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden Oo Soo Saaraya Sharci Ka Farxinaya Soomaalida Mareykanka Iyo Daganaasho La Siinayo Nus Milyan Qof Oo Sharci La’aan Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan muhaajiriinta, taasoo deganaashaha joogtada ee Mareykanka ka caawin doonto boqollaal kun oo xaasas oo aanan sharci ku joogin Mareykanka.

Sharcigana ayaa waxaa ka faa’iideysa doona nus milyan qof oo aanan sharci ku joogin Mareykanka, balse qaba xaasas heysta dhalashada Mareykanka ama ay qabaan muwaadiniin Mareykan ah. Sidoo kale, waxaa kaloo qeyb ka ah carruurta aanan sharciga heysan ee Mareykanka ku noolaa 10-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Shuruudaha lagu xidhay dadka xaqa u yeelan doono in ay dal-badaan sharcigan cusub ayaa ah, in ay Mareykanka ku noolaayeen muddo 10 sanno ama wax ka badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this