Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo siyaasad cusub oo ilaalinaysa dadka magangalyo doonka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo siyaasad cusub oo ilaalinaysa dadka magangalyo doonka ah ee dalkaas tagay muddo hore si aan loo masaafurin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka.

Siyaasadan cusub ayaa caawin doonta kumanaan qof oo muddo 0 sano ah ku noolaa Maraykanka balse an la siin sharciga dalkaasi.

Dadkaas ayaa isugu jira kuwo iyagoo carruur ah waalidkooda si tarhiib ah kula galeen Maraykanka, kuwo qaangaar ahaa oo si sharci darraa ku galay dalkaas balse markii danbe guursaday muwaadinad ama muwaadin Maryakanka ah.

Waxaa kale oo sharcigu caawin kari doonaa dadka dalka Maraykanka ku galay Viso balse aan laaban markii uu dhacay oo muddo tobban sanaana ku noolaa dalkaasi.

Dadkaas waxaa kale oo ku jira kuwa muddo dheer wax ka baranayey Maraykanka iyo kuwo bixinayey canshuuraha oo shaqooyin ku helay sharciyo kumelgaara oo bini’aaddanimo ah.

Sida uu BBCda u sheegay sharciyaqaan Aamiin Haruun oo ka howlgala magalaad Minneapolis, ku dhawaad shan boqol ilaa hal milyan oo qof ayaa la rajaynayaa inay ka faa’iidaysan doonaan siyaasadan cusub ee maamulka Biden.

Waxaa jira Soomaali badan oo dalka Maraykanka ku galay qaab tahriib sanado badan ka hor kuwaas oo inta gaarta mudda 10 sanaa sidoo kale ay heli karayaan fursadan sida uu xusay garyaqaan Aamiin Haaruun.

“ Dabcan haa, Soomaali ayaa ku jiri karaan, laakiin sidaa uma badna waxaa laga yaabaa inay yihiin ilaa boqolaal hadaysan kunba gaarayn oo Soomaali ah.

“Marka dadkaas waxay hore u haysteen sharci la yiraahdo ‘TPS’ ee bini’aadanimo oo ah mid la cusboonaysiiyo, marka waxaa suura gal in dadkaas Soomaalidaa ka faa’iidaysan karaan” ayuu yiri Aamiin Haaruun.

Aamiin, ayaa sidoo kale xusay inay jireen dad Soomaali ah oo muddo sharci darro ku ahaa Maraykanka oo ka faa’iidaystay sharcigii ‘DACA’ ee labo iyo tobban sano ka hor soo saaray Madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama.

Aqalka Cad ayaa rumeysan in in ka badan 500,000 oo xaasas ah oo haysta dhalashada Mareykanka ay ka faa’ideysan doonaan, marka lagu daro 50,000 oo dhallinyaro ah oo ka yar 21 sano oo ay dhaleen waalidiin haysta dhalashada Maraykanka.

Barnaamijku wuxuu u oggolaanayaa lammaanaha iyo carruurtaba inay codsadaan deggenaansho rasmi ah iyaga oo aan ka tagin Maraykanka, nidaamka ayaana Meesha ka saaraysa habraac dheer oo suurtagal ah haddii uu tarxiil imaan lahaa in qoysasku go’aan.

Maxaa xilligan ugu soo beegmay sharcigan

soo galootiga sharci darrada ku galay maraykanka

Tani waxay waxay muujisay in socdaalku uu yahay walaaca koowaad ee codbixiyeyaal badan ka hor doorashada madaxweynaha ee Noofambar.

Sida uu qabo sharci yaqaan Aamiin Haaruun, tani waxay jawaab u tahay balanqaadkii madaxweyne Biden kalkiisii hore ee doorashada iyo cadaadiska ay saareen kooxaha u dooda soogalootiga oo ka hor yimi sharciyada xaddidaya dadka magangalya doonkaa ee Maraynka galaya.

“Madaxweyne Biden, waxaa ku soo foodleh doorasho marka wuxuu doonayaa inuu ku dajiyo dadka maadama uu hore u sameeyey tallaabooyin ka dhana soo galootiga” ayuu yiri sharci yaqaan Amiin Haaruun.

Tallaabadan uu qaadayo madaxweyne biden ayaa daba socota iyadoo labo iyo tobban sano ka hor xukuumadii madaxweyne Obama ee ku xigeena ka ahaa isla biden ay furtay barnaamij loogu magac daray “DACA” kaas oo sharciyo lagu siiyey dad ka badan 530,000 oo ahaa muhaajiriin Maraykanka ku galay carruurnimo.

Horaantii bishaan, Biden wuxuu ka mamnuucay inta badan muhaajiriinta ka soo gudbaysa xadka Mareykanka iyo Mexico inay codsadaan magangalyo, siyaasad ka turjumeysa mamnuucid magangalyo oo la mid ah xilligii Trump.

Barnaamijka sharciyaynta ee Biden ee la qorsheeyay ee xaasaska muwaadiniinta Maraykanka ayaa xoojin karta fariintiisa ololaha ee ah inuu taageersan yahay nidaamka socdaalka ee bini’aadantinimada iyo muujinta sida uu uga duwan yahay Trump, oo muddo dheer mawqif adag ka taagnaa socdaalka sharci iyo sharci-darrada ah labadaba.

bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this