Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaad xooggan oo maanta gilgilay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
bc62412c-9745-4ebf-acf6-b96119f2e124_w40

Tiro badan oo Kenyan ah ayaa isugu soo baxay maanta bannaanka baarlamanka si ay uga mudaaharaadaan kordhinta canshuuraha muranka dhaliyay, iyadoo booliiska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, islamarkaana ay xireen saddex qof.

Dalkan Bariga Afrika ugu dhaqaalaha badan ayaa la daalaa dhacayey xasarado dhanka nolosha ah, ayada oo kuwa dowladda dhaliila ay sheegayaan in ay kasii dari doonto haddii la hir-geliyo canshuur kordhinta la soo jeediyey.

Dowladda oo lacag la’aan ay hayso ayaa difaacday tallaabada — oo la filayo in ay soo xareyso 346.7 bilyan oo shilling una dhiganta ($2.7 bilyan) — kuna sheegtay mid lagama maarmaan ah, si loo yareeyo ku tiirsanaanta daymaha dibedda.

Dibadbaxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen taleefonada xildhibaanada, ayaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaan wicitaan iyo farriin qoraaleedyo, si looga laabta sharciga canshuur kordhinta.

Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa ka mid ah canshuurta baabuurta, oo noqon doonta 2.5 boqolkiiba qiimaha gaariga, iyo soo celinta canshuurta rootiga.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaad xooggan oo maanta gilgilay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this