Sign in to follow this  
Deeq A.

Vladimir Putin iyo Kim Jong Un oo shir taariikhi ah ku yeeshay Pyongyang

Recommended Posts

Deeq A.   
3f7c8459-ddcc-4555-8527-919cb8f96a99_w40

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho ku jooga Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta Mareykanka ee saaran labada waddan.

Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan.

Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Vladimir Putin iyo Kim Jong Un oo shir taariikhi ah ku yeeshay Pyongyang appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this