Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Garoowe oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718794186164.jpg?resize=720%2C54

Duqa caasimadda Garowe, Geedi Axmed Tuurre ayaa sheegay inuu maanta la kulmay madaxda qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee Puntland, ayna ka wada hadaleen sida dalkoodii loogu celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee ku soo qulqulaya Puntland.

“Waxaan maanta qaabilnay Qunsuliyadda Dowladda Ethiopia ee Puntland, anagoo ka wada hadalnay sida ugu wanaagsan ee dalkoodii loogu celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee kusoo qulqulaya Puntland kuwaasi oo u badan tahriibeyaal, iyadoo lala kaashanayo Hay’addaha Caalamiga ah ee ay khuseyso sida IOM” ayuu yiri duqa Garoowe.

Guddoomiye Geedi ayaa maalmo ka hor amar ku soo rogay dadka u dhashay Itoobiya ee sharci la’aanta ku jooga Garoowe, isagoo faray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan magaalada.

PUNTLAND POST

The post Duqa Garoowe oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this