Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Netherland oo lagu wado in uu noqdo Madaxa NATO

Recommended Posts

Deeq A.   
130338098_hi086088459.jpg?resize=976%2C5

Ra’iisul Wasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte, oo ka mid ah xulafada aadka ugu dhaw Ukraine, isla markaana si adag u daleeceeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxa Xulafada NATO.

Rutte oo baddali doona hogaamiyaha NATO ee xilligaan Jens Stoltenberg ayaa taageeradi ugu danbeysay ka helay dowladaha Hungary iyo Slovakia.

Isaga oo ka barbar hadlayay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo uu kula kulmay Washington D.C, ayuu Stoltenberg ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama inkiro warkan.

Xoghayaha guud ee NATO ee soo socda ayaa wajihi doona caqabado ay ka mid yihiin joogtaynta taageerada xulafada Ukraine ee dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka, iyadoo la iska ilaalinayo xiisad kasta oo keeni karta in xulafada militariga ay si toos ah dagaal ula galaan Moscow.

Muddo xileed 10 sano qaatay oo uu jagada NATO hayay Stoltenberg ayaa ku eg 1-da bisha October. Wuxuu xafiiska qabtay sannadki 2014-ki, bilo yar kaddib marki uu Ruushka qabsaday gobolka Crimea.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Netherland oo lagu wado in uu noqdo Madaxa NATO appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this