Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay xoojinta Nabadda iyo Xasiloonida Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718823794743.jpg?resize=720%2C48

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia  ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayna isku raaceen in la xoojiyo dadaallada wadajirka ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha”.

“Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay xoojinta Nabadda iyo Xasiloonida Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this