Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay xukun xarig ah oo lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray xarig iyo xukunno dhawaan lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay in aan sifo sharci ah loo marin xarigga lagu riday mas’uuliyiintaasi ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sidoo kale mid aan sharciga waafaqsanayn ku tilmaamay xukunka lagu riday garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobollada Sool iyo Nugaal ee dhawaan la xukumay.

Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland ayaa si weyn walaac uga muujiyay hannaanka aan sharciga waafaqsanayn ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland u xukuntay mas’uuliyiintaasi waxaana uu ku tilmaamay mif ku-takri-fal awoodeed ah oo ka baxsan sharciga iyo dastuurka.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka

FB_IMG_1718822379309.jpg?resize=720%2C12 FB_IMG_1718822383107.jpg?resize=720%2C12

PUNTLAND POST

The post Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay xukun xarig ah oo lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this