Sign in to follow this  
Deeq A.

Xujayda Oo Looga Digay Kuleylka Daran Ee Ka Jira Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa uga digay xujayda inay qaadaan tallaabooyin ay iskaga ilaalinayaan kuleylka daran, kaddib markii dowlada Urdun ay sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay u dhinteen kuley intii lagu jiray cibaadada gudashada waajibaadka xajka.

Fahad bin Abdurrahman Al-Jalaajel, oo ah wasiirka caafimaadka Sacuudiga, ayaa ugu baaqay xujeyda in ayay iska ilaaliyaan fuuq baxaan ayna isticmaalaan dallad si ay kaga hortagaan qorraxda kana fogaadaan meelaha kulul.

Wasiirka ayaa wuxuu intaas ku daray in dhakhaatiirtu ay daweeyeen 2,764 xujey ah kulayl dartii Axadii, taasoo ku asteysan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ee Muslimiinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa sheegtay Axadii in 14 xujey ah ay u dhinteen qorraxdu halka 17 kalena la la’yahay. Waxay sheegtay in dadka dhintay aysan ka mid ahayn wafdiga rasmiga ah ee Xajka ee Jordan iyadoo aan la sheegin meesha iyo goorta ay dhinteen.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegtay in shan Xujey oo u dhashay dalkaasi ay dhinteen iyadoo aan faahfaahin laga bixinin sababta ay u geeriyoodeen.

Heerkulka ayaa gaaray 52C (125F) Masjidka weyn ee Makka isniintii, sida ay sheegtay Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada Sacuudiga. Laakiin roob da’ay ayaa wuxuu keenay inay xujaydu ka nastaan kuleylka. Xajka sanadkan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Arbacada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this