Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaalada xeebaha Giriiga oo tahriibayaal Soomaali ka mid tahay ku tuuray badda, sida ay goobjoogayaal sheegeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sababay dhimashada tobonaan muhaajiriin ah oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka muddo saddex sano ah sida ay goob joogayaal sheegeen. Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha.

Sagaalkan qof ayaa ka mid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka BBC-da.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa baaritaankeena ku sheegay in eedeymaha falalka sharci darrada ah ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn.

Waxaan tusnay muuqaalka 12 qof oo la soo saaray doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga, ka dibna loogaga tagay doonida, taas oo loo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ilaalada xeebaha Giriigga. Markii uu ka kacay kursigiisii, ee uu weli makarafoonkiisu shidnaa, waxa uu sheegay in ay “sida iska cad sharci-darro tahay” iyo “dambi caalami ah”.

Dowladda Giriiga ayaa muddo dheer lagu eedeyay inay dib ugu celinayso dadka si qasab ah – iyadoo dadka dib ugu celinaysa Turkiga, halkaasoo ay ka soo gudbeen, taasoo sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Laakiin tani waa markii ugu horreysay oo BBC ay tiriso dhacdooyinka oo sheegaya in dhimasho ay ka dhalatay falka ilaalada xeebaha Giriigga.

15-kii dhacdo ee aan falanqeynay – ee ku taariikhaysan May 2020-23 – ayaa sababay dhimashada 43. Ilaha waxay ahaayeen warbaahinta maxaliga ah, NGO-yada iyo ilaalada xeebaha Turkiga.

Xaqiijinta tiarada noocaan ah aad ayay u adag tahay – marqaatiyadu inta badan waa la waayaa, ama aad ayay uga baqayaan inay hadlaan. Laakiin afar ka mid ah kiisaskan waxaan awoodnay inaan xaqiijinno tiarada annagoo la hadalnay markhaatiyaal goob-joogeyaal ah.

Baaristeenna, oo lagu baahiyay dukumiinti cusub oo la yirahdo Dead Calm: Killing in the Med?, ayaa soo jeedisay qaab cad.

“Cunuggii ugu horreeyay ee dhintay wuxuu ahaa wiil uu dhalay adeerkay…ka dib mid mid ayay u dhinteen. Ilmo kale, ilmo kale, ka dibna ina-adeerkay laftiisa ayaa la waayay. Subaxdii markii la gaaray waxaa dhintay toddoba ama siddeed carruur ah.

“Carruurteyda ma dhiman ilaa subaxdii… ka hor intaysan iman ilaalada xeebaha Turkiga.”

Sharciga Giriigga ayaa u oggolaanaya dhammaan soogalootiga magangelyo doonka ah inay iska diiwaan geliyaan dhowr jasiiradood oo ku yaal xarumaha diiwaangelinta gaarka ah.

Laakiin dadka aan waraysanay – oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo gacan ka helaya ururka taakulaynta muhaajiriinta ee Consolidated Rescue Group – ayaa sheegay in la qabtay ka hor inta aanay tagin xarumahan. Waxay yiraahdeen nimankan sida muuqata waxay ku shaqeyaan si qarsoodi ah – waa kuwa aan ku labis nayn dharka askart, intooda badan wejiyada ayaa u duuban.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku andacoonaya in kumanaan qof oo magangalyo doon ah Yurub si sharci darro ah looga soo celiyay Giriiga, loona diiday inay magangelyo weydiistaan, taasoo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Midowga Yurub.

Fayad Mulla oo ah dhaq-dhaqaaqe reer Australia ah ayaa noo sheegay in uu naftiisa ogaaday sida ay u qarsoon yihiin hawlgalladan oo kale bishii February ee sannadkii hore, gaar ahaan jasiiradda Lesbos ee Giriigga.

Isaga oo u sii socda goob la sheegay in lagu soo celiyey si qasab ah xog-waraysi ka dib, ayaa waxa istaajiyey nin aan dareys ku labisnayn – kaas oo markii dambe la ogaaday inuu u shaqaynayo booliska. Waxa uu sheegay in booliisku ay dabadeed damceen in ay tirtiraan muuqaallada isaga oo laga joojinayo kaamamkiisa oo ay ku eedeeyeen in uu iska caabiyay askari boolis ah.

Ugu dambayntii, ma jirin tallaabo kale oo la qaaday

Laba bilood ka dib, meel taas la mid ah, Mr Mulla waxa u suurtagashay in uu muuqaal ka dabuubo dhacdo qof si qasab loo celinaya, oo uu daabacay wargeyska The New York Times.

Koox ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa laga soo dajiyay qeybta dambe ee gaari yar oo aan la garaneyn, waxaana ay ku socdeen dooni yar oo la saaray.

Ka dib waxaa lagu soo wareejiyay markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga oo ka fogaa xeebta, waxaana loo qaaday badda, ka dibna la saaray buufin ay ku socdaalaan oo looga tagay.

Waxaan tusnay muuqaalkan – oo ay BBC-du xaqiijisay – Dimitris Baltakos, madaxii hore ee hawlgallada gaarka ah ee ilaalada xeebaha Giriigga.

Intii lagu guda jiray wareysiga, wuxuu diiday inuu ka jawaabo waxa muuqaaladu muujinayaan – wuuna dafiray, horraantii wareysiga, in ilaalada xeebaha Giriigga looga baahan doono inay sameeyaan wax sharci darro ah. Laakiin intii lagu jiray nasashada, waxa la duubay isaga oo u sheegaya qof Giriigga:

“Wax badan uma sheegin, sax? Aad bay u caddahay, miyaanay ahayn. Waa dambi caalami ah.”

Wasaaradda arrimaha badaha ee Giriigga iyo siyaasadda ciribtirka dhibaatooyinka ayaa BBC-da u sheegtay in muuqaallada ay hadda baareyso hay’adda daah-furnaanta qaranka ee madaxa-bannaan ee dalkaas.

Suxufiyad baare ah oo aan la hadalnay iyada oo ku sugan jasiiradda Samos ayaa sheegtay in ay bilowday in ay la sheekeysato xubin ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Giriigga iyada oo adeegsanaysa app-ka hasaawaha ee Tinder.

Markii uu soo wacay waxa uu tilmaamay “markab dagaal”, Romy van Baarsen ayaa wax badan ka waydiisay shaqadiisa iyo waxa dhacay markii ay ciidamadiisu arkeen doon qaxooti ay saaranyihiin.

Waxa uu ku jawaabay in ay “dib u celiyeen”, wuxuuna sheegay in awaamiirta noocaan ah ay ka soo baxeen “Wasiirka”, isaga oo intaa ku daray in la ciqaabi doono haddii ay ku guul darreystaan celinta doonta.

Giriiggu had iyo jeer wuu dafiri jiray in ay sameeyaan waxa loogu yeero “dib-u-celin” inay dhacdo.

Giriigu waa marin ay Yurub ka galaan muhaajiriin badan. Sanadkii la soo dhaafay, waxaa Yurub soo galay 263,048 muhaajiriin ah, iyadoo Giriiggu uu ogaaday 41,561 (16%). Turkiga ayaa sanadkii 2016-kii la saxiixday heshiis lagu joojinayo muhaajiriinta iyo qaxootiga u gudbaya dalka Giriiga, balse wuxuu sheegay in sanadka 2020-ka uusan dhaqan gelin karin.

Natiijooyinka baaritaankeena waxaan u gudbinay ilaalada xeebaha Giriiga. Waxay ku jawaabtay in shaqaalaheedu ay “si hagar la’aan ah u shaqeynayeen iyo si xirfadaysan, dareen mas’uuliyadeed iyo ixtiraamka nolosha aadanaha iyo sidoo kale xuquuqda aasaasiga ah”, iyada oo raacisay “inay si buuxda ugu hoggaansameen waajibaadka caalamiga ah ee dalka”.

Waxay intaas ku dartay: “Waa in la iftiimiyo laga bilaabo 2015-kii ilaa 2024-ka, Ilaalada Xeebaha Hellenic waxay badbaadiyeen 250,834 qaxooti / tahriibayaal ah 6,161 shil oo badda ka dhacay. Fulinta aan macquul ahayn ee howlgalkan waxaa si wanaagsan u aqoonsaday beesha caalamka.”

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa hore loogu dhaleeceeyay doorkii ay ku lahaayeen doontii ugu waynayd ee muhaajiriinta ee ku burburtay badda Mediterranean-ka muddo toban sano ah. In ka badan 600 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii Adriana ay ku degtay aagga badbaadada ee Giriigga ee la go’aamiyay bishii Juun ee la soo dhaafay.

Saraakiisha Giriiga ayaa ku adkeystay in doonida aysan wax dhibaato ah qabin, isla markaana ay si nabad ah ugusii jeedday dalka Talyaaniga, sidaas darteedna aysan ciidamada ilaalada xeebaha isku dayin in ay badbaadiyaan.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this