Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda dalkaas.

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi turkiga Hakaan Fidan oo uu magaalada Ankara kula kulmay, islamarkaana ay wada hadleen qodobo muhiim ah oo ku saabsan xariirka labada dal.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dib u dhiska dowladnimada, arrimaha amniga, hormarinta kaabeyaasha, Caafimaadka, iyo waxbarashada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this