Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof Samatar: Aqoonsi usoo socda Somaliland ma jiro hal sabab darteed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718614420909.jpg?fit=480%2C360&s

Hargeysa (Caasimada Online) – Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena guddoomiyaha ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hoggaanka maamulkaasi.

Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano.

Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in qaddiyada Somaliland aan la gayn fagaaarihii caalamka ee loo baahnaa.
“Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ay dadaal gelineysay arrinta ictiraafka, waxaana aqoonsi ay hesho darteed ay heshiis badeed la gashay dowladda Itooboya.
Heshiiska kadib Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland, sida uu shaaciyay

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

The post Prof Samatar: Aqoonsi usoo socda Somaliland ma jiro hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this