Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howl-gal culus oo Al-Shabaab looga burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howl-galka oo lagu beegsaday Al-Shabaab ayaa waxay dowladda shaacisay in lagu dilay ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda, wuxuuna ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xilliga la weeraray Al-Shabaab waxa ay qalanayeen Geel ay ugu talagaleen ciida Carafo, balse waxaa mar qura duqeyn la helay diyaaradaha dagaalka ee hawada ka taageera ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay howl-galkan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.

“Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hawada ka taageera diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah.

The post Xogta howl-gal culus oo Al-Shabaab looga burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this