Sign in to follow this  
Deeq A.

Benjamin Netanyahu oo kala diray Golihii Wasiirada dagaalka ee Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-39f0-08dc8eb7e406_w40

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa in uu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

Talaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka.

Talaabada uu qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka.

Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza.

Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza.

PUNTLAND POST

The post Benjamin Netanyahu oo kala diray Golihii Wasiirada dagaalka ee Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this