Sign in to follow this  
Deeq A.

Australia iyo Shiinaha oo hagaajinaya xidhiidhkooda diblamaasiyadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa Isniinta maanta ah ay booqasho uga billaabatay dalka Australia, booqashadaas oo noqotay tii ugu horreysay oo uu ra’isul wasaare Shiinees ah ku tago Australia muddo 7 sanno ah.

Li Qiang wuxuu isla maanta la kulmay ra’isulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xidhiidhka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xidhan Shiinaha.

Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xidhiidhka labada dhinac, kaddib mad-madow dib-lamaasiyadeed oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca.

Ra’isul wasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay “ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee sii socda. Wadahadalkan ayuu ku sheegay mid u ogolaaday inay dhinacyada dhisaan wacyigelin qoto dheer oo ku saabsan danahooda,”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this