Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Kulmiye oo xafladdii Waddani loogu qabtay bariga Hargysa u waayay dad u dhigma, soona kiraysanaaya barokacayaal iyo Qaxooti aan xaafada u dhalan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa sadexdii cisho ee ugu danbeeyay bariga Hargeisa ka socday dhaq dhaqaaq ay wadaan xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu taas oo ay doonayeen in ay ugu jawaabaan xafladdii ay beesha Cabdalle Isaxaaq ay ku taageertay xisbiga Waddani 13kii bishaani kulankaasi oo ka dhacay Hotel Kaah ee bariga Hargeisa waxa uu ahaa mid xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye u diiday joog iyo jiif.

Hadaba sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaalahi waxa ay sheegayaan in xubnaha beesha Cabdalle Isaxaaq kaga jira xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ay wadaan abaabul ay u waayeen dad baaxadleh oo u dhigma kuwii u soo baxay xisbiga Waddani taas beselkeedana waxa ay wadaan dad ay soo kiraystaan oo aan u dhalan beesha Cabdalle Isaxaaq, waxana ay wararku intaas ku darayaan in ay soo kiraysan doonaan dadka masaakiinta ah ee ku nool xaafadaha barokaca iyo dadka Oromadda ah ee ku noolnmagaalada oo ay dilaaliini u soo guraysoniyaga oo loo soo dhiibi doono boodhadh iyo calanka xisbiga Kulmiye.

Waxana laga codsday in ay sacabka xoojiyaan markasta oo ay hadlaan qaban qaabiuayaash shirku iyo madaxda lagu casuumi doono.

Xisbiga Kulmiye gaar ahaan kuwa xafladani wata ayaa qiray in xisbiga Waddani uu la wareegay dhamaan dhalinyaradii deegaankooda isla markaasina ay doonayaanin ay xooga saaraan dadka waaweyn iyo odayaasha sidaasi a ay ku arinsadeen.

Beesha Cabdalle Isaxaaq ayaa todobaadkani xisbiga Waddani u samaysay xafladii u balaadhnayd ee abid xisbigaasi loogu sameeyo bariga Hargeysa iyada oo dad 6kun oo qof ahi ay isugu soo baxeen xafladii Axadii ina dhaaftay loo qabtay xisbiga Waddani oo ay ka soo qayb galeen madaxda xisbigaasi oo ay hor kacayeen musharaxa iyo gudoomiyaha xisbigaasi

Hoos ka daawo xafladii Waddani markii uu musharax Cirro goobta soo galay wixii dhacay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this