Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha iyo Australia oo dib u hagaajinaya xiriirkooda diblomaasiyadeed

Recommended Posts

Deeq A.   
2eb47442-26e3-4cc6-bbcc-5e31670871ab_cx0

Ra’iisulwasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa booqasho rasmi ah uga billaabatay dalka Australia.

Li Qiang wuxu la kulmay ra’iisulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xiriirka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xiran Shiinaha.

Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xiriirka labada dhinac.

Mad-madow ayaa hore uga jiray xiriirka labada dhinac, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca.

Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee sii socda.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha iyo Australia oo dib u hagaajinaya xiriirkooda diblomaasiyadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this