General Duke Posted October 15, 2010 Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa cambaareeyay falkii ay ASWJ ay maanta kula wareegeen degmada cadaado. Sh. Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in aysan Dowladdu ku taageereynin Ahlu-Sunna in ay ku dulaan deegaan Nabadoon isagoo sheegay in ay markii hore ku taageereen in iska difaacaan kooxihii ku soo duulay deeganadooda. Haddaba lama oga hadalka Madaxweynaha sida ay uga jawaabi doonaan Ahlu sunna. HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNAHA http://radiomuqdisho.net/news/wararka/2118-madaxweyne-shariif-oo-cambaareeyay-dagaalkii-ka-dhacay-ca daado-dhegeyso.html Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 15, 2010 M/Shariif oo qabsashada Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee Cadaado ku tilmaamay gardaro Posted by Muqdisho Friday, October 15 @ 09:20:57 EDT Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray tallaabada maleeshiyo uu horboodayo qabqable dagaal Cabdishukri Cali Xirsi ay ku qabsadeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kuna tilmaamay gardaro cad. Isagoo khudbad ka jeedinayey Masjidka xarunta Madaxtooyada Salaaddii Jimcaha kadib ee maanta ayuu sheegay in wax laga yaqyaqsado ay tahay in iyadoo lagu duulayo magaca Ahlu-Sunna Wal-Jameeca lala wareego deegaanno nabdoon oo maamul uu ka jira. ''Waan cambaareyneynaa, waanan ka xunahay in Ahlu-Sunna ay qabsato Cadaado, taasuna ma ahan mid wanaagsan in itadoo lagu duulayo magac diimeed in rabshad laga abuuro dhul ay nabad ka jirto'' ayuu yiri madaxweynaha oo aan looga baran in uu Ahlu-Sunna tallaabooyinka ay ku kacaan cambaareeyo. Dagaalka maanta ka dhacay Cadaado ayaa dabo-socda afduub laba kamid ah shaqaalaha hay'adda carruurta ee Save the children saakadii hore loogu geystay gudaha degmada mar ay xafiiskooda ku sugnaayeen. Mid kamid ah howl-wadeenada la afduubay wuxuu u dhashay dalka Zimbabwe, halka ninka kalana uu ahaa Somalia, qafaalashadooda ayaa lagu eedeeyey maleeshiyada sargaal Cabdishukri ee Cadaado la wareegtay. C/llaahi Axmed Culusow Gedoweb, Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 15, 2010 Shariif oo eedeyey Ahlu Sunah, qabsashada Dhusamreb 15 Oct 15, 2010 - 1:03:37 PM Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Galgaduud ee Dhusamareb galabta xilli xoogaga Ahlu Sunah Wal Jamaca maanta 15.10.2010 qabsadeen degmada Cadaado. Xoogaga Al-Shabaab ayaa sida wararka GO ku helayo shegayaan in Dhusamareb ku qabsadeen dhabar jabin kadib markii ciidamada Ahlu Sunah soo ciidamada xoogooda ku qabsadey Cadaado. Dagaal ka dhacey tuulo la yirahdo Mareer Ruug oo u dhexeysa degmada Dhusamreb iyo Cadaado halkaasoo dagaal kulul ka dhacey. Tuulada Mareer Ruug ayaa waxaa ka dhacey dagaal halkaas ciidamada Ahlu sunah looga gubey gaari midna lagaga qabsadey. Dadka degan degaanka ayaa warsidaha GO u sheegey in xaalada gobolka kacsan tahay iyadoo ciidamada Ahlu Sunah duledka ka fadhiyaan magaalada Dhuusamareb halka warar aan la xaqiijin xusayan in degmada Cadaado laga qabsadey Ahlu-sunah Ciidamada Ahlu Sunah Wal Jamaca ayaa weerarey degmada Cadaado kadib markii maamulka ka arrimaya halkaas ku eedeeyeen inuu gacan saaar la leyaahay ururka Al-shabaab oo saldhigyo ku leh degmada Ceel-buur. Qabsashada Ahlu-Sunah ayaa waxaa maanta cambaareeyey Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wasiirkiisa Arrimaha gudaha oo kasoo jeedaa degaanka kuwaasoo sheegey in aan loo baahneyn in la weeraro Cadaado. Lama oga sababta keentey in Madaxweynaha eedeeyo talaabada ciidan Ahlu sunah Wal jamaca qaadeen iyadoo dowlada Federaalka xulafeysi dagaalanka ururka Al-shabaab kuwada jiraan ururkaan. Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunah ayaa weerarkaan ku sababeysay weerarkaan kadib markii maamulka la magac baxey Ximan iyo Xeeb gacansaar la yeesheen ururka Al-shabaab. Dhinaca kale degmada Cadaado ayaa maanta laga afdubey labo qof oo ka tirsan shaqaalaha hay'ada Save the Children. Howlwadeenadaan ayaa u kala dhashey wadanka Ingriiska iyo Somalia ayaa warar lagu kalsoonan karo shegayaan iney kaxeysteen kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyadoo goob joogayaal tilmaameen in gawaaridii lagu qaadey aadeen halka ay ku leeyihiin saldhigyada. Dhageyso hadal madaxweyne Shariif siiyey VOA kasoo uu ku eedeeyey Ahlu-sunah oo dagaal kula jira Al-shabaab Quote Share this post Link to post Share on other sites