Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka ogtahay qorshaha cusub ee madaxweyne PUTIN iyo Kim Jong Un

Recommended Posts

Deeq A.   
681322_0.jpeg?fit=1500%2C1000&ssl=1

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi horraanta toddobaadka soo socda.

Bartamaha Bishan, Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula kulmay Wariyeyaasha goobtii uu Madaxweyne Yoon Seok-yool ka joogay Kazakhstan, wuxuuna si rasmi ah u sheegay qorshaha Madaxweyne Putin uu ku tagayo Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa sidoo kale jira xog sheegeysa in Pyongyang ay durba bilowday isu diyaarinta booqashada Madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi.

Haddii booqashadan Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii dhacdo, Madaxweyne Putin waxa uu booqan doonaa Pyongyang markii ugu horreysay muddo 24 sano ah tan iyo 2000, markaasoo uu xukunka hayay hogaamiyaha Difaaca Qaranka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il.

Bishii Sebtember ee sanadkii hore, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweyne Putin ayaa kulan gaara ku yeesha xarunta Vostochny Cosmodrome ee Bariga Fog ee Ruushka, ayuu Putin ku aqbalay martiqaadkii Kim ee booqashada Kuuriyada Waqooyi.

Haddii kulankii sanadkii hore dhexmaray Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu ahaa mid lagu gogol xaarayey xiriirka labada dal, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in kulankan uu noqon doono mid muujinaya xiriirka si weyn u horumaray.

Waxaa diiradda lagu saarayaa heerka uu marayo iskaashiga ciidan ee labada dhinac ee kulankaan, waxaana la filayaa inuu noqdo fursad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, beeraha iyo dalxiiska.

Waxa xiiso gaar ah leh in la xuso inta uu madaxweyne Putin ka xusi doono is-weydaarsiga hubka casriga ah iyo haysashada hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta aragti ah in shirkan Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu noqon karo ‘kulan dhacdo ahaan’ halkii laga wada hadli lahaa natiijooyinka dhabta ah.

Iskaashiga Milatari: Ruushka wuxuu u baahan yahay hub, Kuuriyada Waqooyi waxay u baahan tahay taageero farsamo

Iyadoo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu socday in ka badan laba sano iyo bar, isku xirnaanta Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ee bixinta sahayda muhiimka ah, ayaa sii xoogeysaneysa.

Bare sare oo ka tirsan jaamacadda Kuuriya qaybteeda midaynta iyo dublamaasiyadda, Nam Sung-wook, ayaa sheegay in marxaladdan, uu ajandaha ugu muhiimsan ee kulankan uu yahay “intee in le’eg oo hubka ah oo Waqooyiga Kuuriya la siinayo mustaqbalka Ruushka.”

Qaar kale ayaa sheegaya in kulankaan, ay u badan tahay inay ka gudbi doonaan heshiisyada muddada gaaban ee ku saabsan bixinta hubka caadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, ayna ku heshiiyaan iskaashi ciidan oo aad u dhow, sida horumarinta wadajirka ah ee hababka hubka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay rabto in ka badan cunno iyo saliid ay ugu beddesho hubka Ruushka.

Professor Nam, ayaa si gaar ah u saadaaliyay in Kuuriyada Waqooyi, oo ku guuldareysatay inay hawada sare u dirto dayax gacmeedka kormeerka hawada bishii May ee la soo dhaafay, ay kulankaan kaga hadli doonto taageerada Ruushka ee tignoolajiyada hawada sare.

Sharaxaada ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay u baahan doonto caawinaad ka timaada Ruushka, oo wadan awood badan dhanka tignoolajiyada hawada sare, si ay ugu guuleysato hawada sare ee dayax gacmeedyada.

Waxa kale oo jirtay saadaal ah in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayi doonto in ay Ruushka ka caawiso dhinaca tignoolajiyada si ay u kordhiso xallinta dayax gacmeedyada indho-indhaynta iyo maraakiibta Nukliyeerka ah.

Putin iyo Kim, ayaa kulankoodii kal hore waxay sheegeen inay xoojinayaan xiriirka labadooda dal ka dhaxeeya.

Isha: BBC

The post Maxaad ka ogtahay qorshaha cusub ee madaxweyne PUTIN iyo Kim Jong Un appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this