Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: President Faroole returns meets with EU Ministers UN delegation PICS

Recommended Posts

Madaxwayne Faroolle oo sheegay in Puntland laga taageerayo la dagaalanka Burcad badeeda iyo Tahriibta.

 

Khamiis, 14 October 2010, (HOL)- Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe,waxaana la socday xubno kamid ah golihiisa wasiirada.

 

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxwaynaha masuuliyiin uu kamid ahaa madaxwayne ku xigeenka iyo mudanyaal ka tirsan barlamanka ,halkaasoo markii danbe loo soo galbiyay guriga madaxtooyada.

 

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib ugu soo laabtay dalka aniga oo caafimaad qaba ,waxaana shacabka u rajaynaa nabad iyo baraaro." ayuu yiri madaxwayne faroole oo wariyayaasha la hadlay.

 

Sidoo kale madaxwaynaha waxa uu sheegay in dhamaan kulamadii uu ka soo qayb galay ay ku soo dhamaadeen is afgarad wanaagsan iyo in Puntland laga taageero dhinacyo badan oo ka mid yihiin burcad badeeda iyo tahriibta.

 

Madaxwaynaha ayaa sheegay in balan qaadyo badan uu ka helay dowlada Yemen ,isla markaana la xalin doono dhibaatoyin badan oo baryihii u danbaysay ka jiray gudaha gobolka.

 

Ugu danbayntii madaxwaynaha ayaa safarkii uu uga maqnaa Puntland waxa uu qaatay mudo labo bilood ah,waxaana dalalkii uu booqday ka mid ah Itoobiya ,jabuuti iyo Yemen.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaaso,Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland soo gaaray Wafdi heersare ah oo katirsan Qaramada Midoobey kaas uu uu hogaaminaya Latalaiyaha Arimaha Burcad Badeeda ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr, Jack Lang. ayaa Waxaa kamid ahaa Xubno katirsan Hay’adaha kaladuwan ee Qaramada Midoobey & Wasiiro katirsan Midowga Yurub oo uu kamid ahaa Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Denmark.

 

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee dawlada Puntland oo uu horkacayey Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland,waxaana ay soo dhaweyntii kadib yimaadeen Aqalka madaxtooyada ee Dawlada Puntland halkaas oo ay kula kulmeen madax katirsan Dawlada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isagu saacado ka hor dalka dib ugu soo noqday.

 

Saraakiishan ayaa madaxda Puntland kala hadlay Arimo badan oo quseeya ladagaalanka Burcad Badeeda,waxaana ay ku dheeraadeen ka hadalka arimahaaas,iyagoo sidoo kalena sheegey in muhiim ay tahay in lala dagaalamo Burcad Badeeda lana xoojiyo Barnaamijyada ka dhanka ah,Waxaana kulankan oo saacado badan socday kadib ay Wafdigu isla maanta ka anbabaxeen magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland.

 

Lataliyaha Arimaha Burcad Badeeda ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay imaanshahooda Puntland oo uu sheegey inay kamid ahayd Qorshayaasha uu ku doonayo Fududeynta Xilka dhawaan loo magacaabay,waxaana uu Dawlada Puntland uga mahadceliyey sida ay xilkaweyn isaga saartay la dagaalanka Burcada Badaha.

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa kulanka ka hadlay waxaana uu u mahadceliyey Wafdiga soo booqday Puntland oo uu sheegey in loo baahanyahay inay talooyinka ka dhagaystaan Puntland oo uu sheegey in dhibaatada koowaad ay Burcadu ku hayso,waxaana uu intaas kudaray in Dawladiisu ay dagaal culus kula jirto Burcad badeeda.

 

Mr,Faroole Wuxuu sheegey in Xabsiyada Puntland ay kujiraan Boqolaal Burcad Badeed ah kuwaas oo ay Maxkamadi xukuntay,waxaana uu beesha Caalamka ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen wax kaqabashada Burcad Badeeda,isagoo sheegey in Dadka ku nool agagaarka Xeebaha ay Burcadu ka qaraabato kuwaas oo uu sheegey in Xataa Maciishada Cuntooyinka Daruuriga ah lagu qaaliyeeyey.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this