Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo laba gantaal ku dhuftay markab laga lee yahay dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718508415477.jpg?resize=720%2C36

Markabka xamuulka qaada ee M/V Verbena oo laga leeyahay Ukraine ayaa lagu warramaya in uu ku deggay xeebaha dalka Jabuuti.

Markabka ayaa laga daad-gureeyay shaqaalihii saarnaa , kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay markabkan ku dhufteen laba gantaal oo Ballistic ah, iyadoo uu markabkaasi  noqonayo midkii labaad ee burbur xoog leh ay gaarsiiyaan Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sidan oo kale gantaallo ugu dhufteen markabka M/V Tutor oo uu ka babanayo calanka Liberia iyo Giriiga, kaa oo sidoo kale lagu qasbanaaday in laga dejiyo shaqaalihii saarna.

Xuutiyiinta ayaa hadda u muuqda in ay sare u qaadeen awoodda gantaaladooda, waxayna ku dhowyihiin tan iyo November, inay isku mar dejiyaan labo markab, taa oo ka dhigaysa tan iyo howlgalladooda markabkii saddexaad oo ay quusinayaan gantaalada Xuutiyiinta.

Sare u kaca khasaaraha ka dhalanaya weerarrada Xuutiyiinta ayaa ku soo aadaya xilli warbixintii u dambeysay ee sirdoonka Mareykanka lagu sheegay weerarrada Xuutiyiinta inay yihiin kuwii ugu sarreeyay oo ka dhaca badda , tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta Yemen oo laba gantaal ku dhuftay markab laga lee yahay dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this