Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Clan-courts vacate strategic Balidogle and Buurhakaba in TFG hands!

Recommended Posts

Muqdisho: Maxkamadaha oo banneeyay Buur hakaba iyo Balli doogle.

 

Talaado, December 26, 2006

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Maxkamdaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gaareen deegaanka Jameeca, halkaasoo ay ka dhigteen saldhig.

 

Ciidamada maxkamadaha ayaa waxa ay baneeyeen deegaanada Ballidoogle iyo Buurhakaba halkaasoo ay gaareen ciidamada dawladda Soomaaliya.

 

Sida ay inoo xaqiijyeen xubno ka tirsan maxkamadaha magaalada Muqdisho ciidamo ka baxay magaalada Muqdisho oo doonayay in ay ka soo dagaalamaan deegaanada ku yalla gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaan ka tirsan dalwada Soomaaliya ayaa waxa uu caddeeyay in ciidmada dawladda Soomaaliya ay ka sii gudbeen magaalada Buurhakaba.

 

Sidoo kale maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeeyay waxa ay qirteen in magaalada Buurhakaba ay gabi ahaanba ka baxday ganactooda.

 

Ballidoogle waa garoon Straatiiji ah , waxaana bannaynta garoonkaasi ay dhabar jab ku noqonaysaa awoodda maxkamadaha Muqdisho.

 

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar ka samaysay deegaannadii todobada maalmood ay dagaalka kula jirtay maxkamadaha sida magaalada Diinsoor oo gacanta dawladda dib ugu soo laabatay.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buurhakaba: Dadwayne ku qamaamay raashinkii iyo agabkii kale ee ay katageen maxkamadaha ee Buur hakaba yaallay.

Talaado, December 26, 2006

 

 

Buurhakaba(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur hakaba ayaa sheegaya in dadka deegaanku ay maalintii shalay ahayd kuwaabariisteen maagaaladooda oo uusan hal askari ah oo maxkamadaha ka tirsan uusan joogin.

 

Ibraahim Maxamed Aadan oo kamid ah dadka deegaanka Buurhakaba ayaa sheegay in maxkamaduhu ay isaga carareen Buur hakaba kadib markii dhowr aag looga soo adkaaday.

 

Qof kale oo kamid ah dadka deggen Buur hakaba oo ka gaabsaday in magiciisa la sheego ayaa sheegay in dadka deegaanku ay boobeen raashinkii kaydka u ahaa maxkamadaha Muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale dadwaynuhu ku yaaceen taliskii maxkamadaha ee Buur hakaba, halkaasi oo ay ka qaateen agabyadii ay maxkamaduhu ka carareen oo ay qoryo ku jireen.

 

Maxkamadaha oo wax laga waydiiyay sababta ay uga bexeen Buur hakaba ayaa kudooday inay xeel dagaal dib uga gurteen degmada Buurhakaba.

 

Warar madax bannaan oo naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in ciidanka dawladda 24ka saac ee soo socda ay dhowr waddo uga amba baxayaan caasimadda Soomaaliya.

 

Warar kale oo naga soo gaaraya Muqdisho waxay sheegayaan in maxkamadaha Muqdisho ay isku hayaan in dagaalka Muqdisho laga sii wado iyo in shacabka la bad baadiyo oo dawladda la isku dhiibo.

 

Dagaallada ka dhacaya koonfurta Soomaaliya ayaa galay maalintii todobaad, waxaana ciidamada dawladda ee kusugan bartamaha Soomaaliya ay 40km dhinaca koonfureed usii dhaafeen Baladwayn.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this