Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Saraakiisha Qaraxa Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee G/le Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kula shahiiday qaraxa miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen gudashada waajibaadkooda Qaran.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya.

Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this