Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718432907981.jpg?resize=480%2C32

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ehelka Qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeyey geerida ku timid Alle Haunaxaristee Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow iyo Askartii La socotay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo  ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah

Gaashanle Maxamed Dheere waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka Dalka gaar ahaan Deeganada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoona lagu Xasuusto Howlgaladii lagu jabiyey Khawaarijta ee uu Hogaamiyey

Waxaan Alle uga baryayaa Sarkaal Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Abdisalaan Haaji Siidow Saraakiisha iyo Askartii la Shahiiday in uu hoygooda uu ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka tirsanaayen”.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Baay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this