Sign in to follow this  
Deeq A.

Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718448839945.jpg?resize=720%2C48

Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si rasmi ah u furmay Maanta oo Sabti ah kuna beegan 15 bisha Juun 2024.

Kal-fadhiga waxa furay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor,  Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud  Ciise.

Sidoo kale waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha,  Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta Furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this