Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ku xad-gudubtay hawada dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718453334864.jpg?resize=720%2C66

Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku soo xadgudubtay hawada dalka Sweden, waxaana ka hortagay diyaarad dagaal oo laga leeyahay Sweden oo lagu magacaabo Gripen.

Xaaladdan ayaa dhacday Jimcihii shalay , sida maanta lagu sheegay warbixin ay baahiyeen ciidanka Sweden.

Afhayeen u hadlay ciidamada Sweden ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada Sweden ay isku dayeen in ay la xiriiraan diyaarada Ruushka balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Arrintan waxay ku aadaysa xilli dhowaan ay Sweden ku biirtay NATO, taa oo ka dhigtay waddankii 32 -aad ee isbahaysiga ka mid noqda.

Sida uu dhigayo Axdiga NATO, xubnaha isbahaysiga milaterigu waxay isku raaceen in haddii mid iyaga ka mid ah la weerarro, ay tahay in dalalka kale ay gacan ka geystaan ​​sidii loo difaaci lahaa.

PUNTLAND POST

The post Diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ku xad-gudubtay hawada dalka Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this