Sign in to follow this  
Deeq A.

Khabiir xal usoo jeediyay caqabadaha kala haysta waaliddiinta Soomaalida, carruurtooda iyo iskuullada UK

Recommended Posts

Deeq A.   

26 Daqiiqadood ka hor
Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa dalalka Yurub, ayaa fursad u helay in ay carruurtooda waxbarasho bilaash ah helaan, iyada oo inta badan dalalkaasi ay qasab tahay waxbaridda dhallaanku.

Dalka Ingiriisku waxa uu ka mid yahay dalalka ay carruurta Soomaalida sida wanaagsan wax uga bartaan inta badan, walow la sheegayo in waalidka Soomaalida ah qaar ka mid ah si wanaagsan ula soconin waxbarashada carruurtooda taasi oo keenta in dib u dhac dhan walba ahi ku yimaado .

Arrintaasi ayaa loo aaneeyaa iyada oo waalidka qaaarkood aanay wax badan ka aqoon dhaqanka iyo sharciga dalkaasi.

Dr Nuur Xasan, oo ah bare sare oo magaalada London ka hawlgala ayaa qoray laba buug oo arrimahaasi uu cilmi-baaris ku sameeyey isagoo PHD waxbarashada ah ka diyaariyey hannaankaas ayaa BBC-da u sheegay in tani tahay caqabad u baahan in wadajir wax looga qabto.

“Sanadii 2010 kii anigoo macallin cusub ka ah kolleej ku yaal koonfurta bari ee London ayaan waxaan ka bilaabay PHD ku saabsan mujtamaca iyo wax barashada- bulshada jaamacad of Greenwhich la yiraahdo, kadib labo sano kadib waxaa ii soo baxday in baahi badan ay ka jirto in wax laga ogaado baahida waxbarasho ee caruurtaSomalida iyo taageerada ay ka helaan waalidkood. 2015 kiiayaan PhD dii dhameeyay. Buuggan waa maxsuulkii ka soo baxay shantaa sano ee cilmi baadhista ah,” ayuu yiri.

Caqabado badan ayay carruurta iyo waalidkuba la kulmaan”
Dr Nuur, oo ka jawaabayey su’aal ay BBC-du waydiisay oo ku saabsanayd caqabadaha ugu waaweyn ee uu arkay intuu cilmibaarista waday waxaanu yidhi, “Ardayda dhibta ugu weyn ee haysataa waa dhanka macalimiinta oon si buuxda ugu hagar bixin ardayda una arka ardayga Soomaaliga ah midaan meel sare u socon tan oo abuurta in ardayga la geeyo fasallo hooseeya,”

“Xagga waalidkana xiriirka iskuullada iyo waalidka oo inta badan aan joogto ahayn, inta badana iskuullada xaggooda ayuu dhibka ka jiraa. Waalidaka oon helin macluumaad joogta ah oo ku saabsan meesha ay waxbarasha carruurtooda marayso, iskuullada oo u arka waalidiinta Soomaalida ah inay yihiin dad waqti badan aanan gelin waxbarashada carruurtooda- waana feker aanan run ahayn”

Waalidiinta Soomaalida qaarkood ayaa iyaguna nooga wareamay bal siday caqabadaha u arkaan iyo xalkooda. Khadra Maxamuud waa hooyo afar carruur ah ku korisay magaalada Bristol Uk, waxaanay tiri “Caqabaduhu waa badan yahiin, anigu afar carruur ah ayaan dhalay nasiib wanaag aabbahood ayaa ila koriyey oo aan wada joognay, halkan Ingiriiska carruurtu waa sida xoolaha waa la raaca subaxii galabtiina waa la soo celiyaa, markay qaan-gaadhaanna waxaa habboon in dugsiyo gaara la geeyo sida kuwa diinta iyo tacliinta kale oo ciyaaraha iyo safarrada loo badiyo si aanay waqti ugu helin dadka duufsan lahaa. Waxaan arkaa hooyooyin badan oo kaligood korinaya carruur badan oo aan aabbe la joogin, way ku adagtahay inay kaligood hawshaa ballaaran qabtaan waxaanay badanaa noqonaysaa in carruurtaasi halis gali karaan oo waxbarashada dib uga dhici karaan.” Ayay tiri.

Mowliid Sheekh Maxamed, isaguna waa aabbe wuxuu dhalay siddeed carruur ah oo deggan dalka Ingiriiska, isagoo ka hadlaya waxbarashada carruurta qurbaha iyo sida loo hagaajin karo ayaa wuxuu yiri “Soomaaliya waxaa dadku inta badan ku nool yihiin guryo waaweyn oo qoys tiro bdan loogu talo galay. Halkan siddeed carruur ah ayaa laba qol laysugu soo xaraynayaa ama saddex qol, guryo yaraan ayaa ka jirta Ingiriiska markaa sameeyn bay ku yeelanysaa waxbarashadii carruurta. Halkee bay wax ku akhrisan, halkee bay ku nasan? Taasi oo keenaysa dib u dhac, waxaa kaloo muhiima in dugsiyada lagu xidhmo oo carruurta loo raadiyo meelo ay shaqo guriga kaga shaqeeyaan oo jawi deggan ah wax ugu akhristaan.” Ayuu yiri.

Xalku maxuu yahay?
Cilmi baarista uu sameeyey Dr. Nuur ayuu ku tusaaleyey qoddobbo ay muhiim tahay inay fuliyaan si meesha looga saaro caqabaha jira.

“Xalka ugu horreeya waa in xiriirka ka dhaxeeya iskuullada iyo waalidiinta la hagaajiyaa, waa inuu jira xiriir joogta ah oo macluumaadka waxbarashada ilmaha iyo hadba meesha uu marayo laga wada hadlo. Waa in waalidku carrruurtooda ay si joogta ah uga wada sheekaystaan waxa ay iskuullada kala kulmaan.

Waa in waalidku isku dayaa inuu ka qayb galo kulanka iskuulka iyo waalidka, haduu kaas kari waayo waa inay ballan ka samaystaan macallimiinta si goonni goonni ah oo joogta ah.

Waalidku waa inuu abuuro waqti munaasib ah oo carruurtoodu layliga kaga shaqeeyaan ama wax ku akhriyo.

Waalidku haddaysan luuqadda iyo aqoontiisa ku filnayn waa inuu xiriir la sameeyaa Soomaalida ka aqoon roon waxna waydiiyaa.

Waxaa muhiim ah in waalidku ogaado in ilmaha iskool la geeyo keliya in aanay mustaqbalkiisa hagaajin karin, waayo waxaa jira wax badan oo ilmuhu aanu iskuulka kaga bogan karin waxaan ka mid ah waxyaabahaas edebta.

Guriga ayaa ugu horreeya meesha ay tahay in waalidku wax ka qabto si uu uga dhigo meel ilmuhu edeb iyo aqoon ka kororsan karo khaas ahaan inta ilmuhu yar yahay ee uu guriga u badan yahay. Hadalada ay waalidiintu ku hadlayaan raad ayey ku yeeshaan caruurta korriimadooda oo haddii, tusaale ahaan, guriga laysku caayo oo lagu dagaallamo ogow in ilmuhu meeshaas duruus ka qaadanayo hadhowna ay dhici karto inuu wixii uu maqlayey uu waalidkii ama walaalihiisa ka weyn kula hadlo. Dadka ka shaqeeya waxbarashadu waxay caddeeyeen si qofku wax u barto waa inuu yaqaan waxa uu yahay, kadibna waa inuu yeeshaa qof ama dad uu tiigsado oo uu ku daydo oo uu jeclaado inuu iyaga oo kale noqdo mustaqbalka.” Ayuu intaa ku daray Dr Nuur.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this