Sign in to follow this  
Deeq A.

Xutiyiinta oo weerar ku qaaday maraakiib ay reer galbeedku leeyihiin iyo Mareykanka oo ka falceliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin badmaax ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii markab xamuul ah oo marayey gacanka cadmeed lagu weeraray laba gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku garaaceen, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Maraykanka.

Badmaaxa dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loo dabiibo, iyadoo shaqaalihii la socday markabka MV Verbena ay ka qayb qaateen daminta dabkii qabsaday kaas oo ka soo baxayay sagxadda kore a natiijada weerarka.

Markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Ukraine ayaa waxaa ka dul babanayay calanka Palau waxaana maamusho shirkad laga leeyahay dalka Poland.

Ka dib, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen laba doonyood oo ay wateen Xuutiyiintu, diyaarad aan duuliye lahayn dul maraysay Badda Cas 24-kii saac ee la soo dhaafay.

War ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waxaa la go’aamiyay in nidaamyadan ay khatar ku yihiin Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga iyo sidoo kale maraakiibta ganacsiga ee gobolka.”

Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa horay u sheegtay in 24 saac gudahood ay weeraro ku qaadeen saddex markab oo uu ku jiro MV Verbena, “si ay uga jawabno dambiyada ka dhanka ah dadkeena Marinka Gaza, isla markaana ay jawaab u yihiin duulaanka gardarada ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay nagu hayaan.”

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib weerar ay Xuutiyiinta ay taageerto Iran ay ku bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriiga oo marayey badda cas, waxaana weerarkan uu sababay in biyo badan ay gudaha u galaan markabka
Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa arintan u arka in ay qayb ka tahay iska caabinta ee ay Iran hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Israa’iil, Maraykanka, iyo guud ahaan reer galbeedka.

Tan iyo bishii November ee la soo dhaafay, Xuuthiyiintu waxay wadeen weeraro ka dhan ah maraakiib ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil oo ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed, iyagoo xusay in weeraradooda ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.
Nin badmaax ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii markab xamuul ah oo marayey gacanka cadmeed lagu weeraray laba gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku garaaceen, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Maraykanka.

Badmaaxa dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loo dabiibo, iyadoo shaqaalihii la socday markabka MV Verbena ay ka qayb qaateen daminta dabkii qabsaday kaas oo ka soo baxayay sagxadda kore a natiijada weerarka.

Markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Ukraine ayaa waxaa ka dul babanayay calanka Palau waxaana maamusho shirkad laga leeyahay dalka Poland.

Ka dib, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen laba doonyood oo ay wateen Xuutiyiintu, diyaarad aan duuliye lahayn dul maraysay Badda Cas 24-kii saac ee la soo dhaafay.

War ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waxaa la go’aamiyay in nidaamyadan ay khatar ku yihiin Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga iyo sidoo kale maraakiibta ganacsiga ee gobolka.”

Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa horay u sheegtay in 24 saac gudahood ay weeraro ku qaadeen saddex markab oo uu ku jiro MV Verbena, “si ay uga jawabno dambiyada ka dhanka ah dadkeena Marinka Gaza, isla markaana ay jawaab u yihiin duulaanka gardarada ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay nagu hayaan.”

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib weerar ay Xuutiyiinta ay taageerto Iran ay ku bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriiga oo marayey badda cas, waxaana weerarkan uu sababay in biyo badan ay gudaha u galaan markabka.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka jawaabaya weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin gudaha dalka Yemen, ayaa waxay taasi keentay inay markooda ka jawaabaan oo ay beegsadaan maraakiib la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Mareykanka iyo Ingiriiska.

Weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee badda cas ayaa keenay in shirkado badan oo maraakiibta ay joojiyaan isticmaalka marin-biyoodkan – kaas oo ay maraan qiyaastii 12 boqolkiiba shixnadaha ganacsiga badda ee caalamiga ah.
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray “Dhallinyarada Mu’miniinta ah”, taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go’doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.

Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.

Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.

Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay “Al-Xaq”

Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.

Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama “Imperialism-ka,” waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.

Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu’miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.

Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this