Sign in to follow this  
Deeq A.

In Kabadan 2 Million oo Xujeyn ah oo Maanta Taagan Buurta Carafo iyo Heerka Kulka Maka oo Geeri Sababay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo sabti in kabadan 2 Million oo Xujey Muslimiin ah ayaa taagan Buurta Carafo oo kamid Tiirarka ugu weyn gudashada Xajka, Xujeyda ayaa halkaan taga maalinta 9-ka bisha Carafo, waxaana maalinta bari ah ay ku began tahay maalinta koowaad ee Cuudul Axda.


Muslimiinta sanadkaan ayaa waxaa ku jiro kumannaan Soomaali ah oo ka kala tagay Soomaaliya, Jabuti, Kenya, Itoobiya, iyo dhammaan qaaradaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka, sanadkaan ayaa tiridii ugu badneyd ee Soomaali ah ay gaareen magalada Maka.

Umadda Muslim ah ee aan haleelin gudashada waajibaadka Xajka ama istaagga manta Buurta Carafo, ayaa intooda badan ah kuwa Sooman, waxaana caalamka oo dhan ka socda diyaar garowga maalinta ciidul Adxa oo ku beegan oo maalinta barri oo Axad ah 16-ka May 2024.

Sanadkaan ruuxii ugu da’da weynaa ee kasoo qeybgala gudashada Xajka ayaa aheyd haweeney kasoo jeeda dalka Algeria, waxaana lagu magacaabaa Sarahouda Stiti, waxaana da’deeda lagu sheegay 130 sanadood, waxaana ay sheegtay in ay dunida nabad ugu duceynayso.

Isbedelka cimillada iyo daran oo ka jira Maka ayaa sababay geerida tiro dad ah, kuwaas oo kamid ahaa xujeyda sanadkaan, waxaana ilaa iyo hadda dowladdu shaacisay ku dhowaad 20 ruux, heerka kulka ayaa ku dhowaaday 50 Digree, taas oo keentay naqaska inuu dadka ku xirmo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this